Dowladda Japan oo Safiir Cusub u soo Magacaawday Soomaaliya

November 21, 2019 (AO) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta xafiiskiisa Wasaaradda uga nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ee Safiirka cusub ee Japan ay usoo magacawdey Soomaaliya, Mr Ryoichi Horie.

Wasiir Cawad waxaa uu soo dhoweeyay Safiirka Japan, isagoo u rajeeyay inuu hagaajiyo xiriirka labo geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Dowladda Japan ayaa haatan waxaa ay u muuqataa in ay xiriir dhaw la yeelaneyso Soomaaliya, waxaana dhawaan dalkaasi tegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama.