James Swan: Muwaadiniinta Soomaaliyeed waan in ay helaan Xoriyad Siyaasadeed

November 21, 2019 (AO) – Wakiilka Xoghayaha ee Qaramadda Midoobey ee Soomaaliya Danjire James Swan oo warbixin siinayey Golaha Amaanka ee Qaramadda mIdoobey ayaa sheegeyn in ay khasab tahay in dadka Soomaaliyeed ay heleen xoriyadda ay kula hadlaan warbaahinta, xoriyadda ay ku sameyn karaa abaabul bulsho iyo xoriyadda ay ugu safri kartaan meesha ah doonaan

James Swan ayaa ka hadley doorashadii ka dhacdey Jubaland, wuxuuna sheegey in wixii jira lagu dhameeyo wada hadal iyo is faham.

Dhanka kale Danjire Swan wuxuu kaloo ka hadley doorashootinka Galmudug, wuxuuna tilmaayey in loo baahan yahay doorasho xor ah oo loo adeegsan karin awood iyo kushubasho.