Wasiir Khadiijo diiriye Oo Shaacisay Inaan Lagu Soo Wargelin Muxaadarada Sheikh umul

November 21, 2019 (Awdinle Online) – Warbaahinta Dowladda ayaa baahisay ogeysiis Bulshada gobolka Banaadir loogu sheegayo in Garoonka Kubadda Cagta Eng: Yariisow ee degmada Cabdicasiis lagu qabanayo muxaadaro weyn oo uu soo jeedin doono Sheikh Maxamed Cabdi Umul oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in kan Wasaarad ahaan wali lagu soo wargelin in muxaarado Sheikh Umul uu ku qabanayo Garoonka Eng: Yariisow,walina war arrintaasi ku aadan aysan ka helin Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

 

” Ilaa iyo Saacadan aan joogno wax war ah kama heyno ka wasaarad Dhalinyaro iyo Sports Xukuumadda JFS ahaan arrinka ku aadan muxaarada lagu qabanayo Garoonka Eng: Yariisow,Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta naguma soo wargelin Fadlan Culimada iyo Dhammaan Hay’adaha Dowladda iyo cidii kale ee dooneysa iney howl muhiim ah Garoonka ku qabsato Baraha Bulshada ka hor waxaa haboon in nidaamka wada shaqeynta ay nooga baahan yihiin waa iney dariiqeeda u soo maraan si loogu fududeeyo Inshallah Allaahu,” ayay ku tiri Wasiir Khadiijo qoraal ay soo dhigtay Barteeda Facebooka.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa,xilli muran badan uu hareeyay muxaarada Sheikh Umul uu doonayo in 22-ka bishan oo ku beegan maalinta berito ah oo jimco ah ku qabto Garoonka Kubadda Cagta Eng: Yariisow,taasi oo ciwaankeeda uu yahay “Masiibada rabaanida iyo sida looga hortagi karo,”

Sheikh Soomow oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ka horyimid muxaarada Sheikh Umul,isagoona sheegay in dad badan ay qabri ugu jiraan fikirka Sheikh Umul iyo Fadwa uu bixiyay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com