Dhageyso :-Dowladda Faderaalka oo dib u dhigtay Muxaadarada Sheekh Umal

November 22, 2019 (Awdinle Online) – xukuumada  Faderaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay Muxaadaro maanta oo Jimcaa oo ku qaban lahaa Magaaladda Muqdisho wadaadka Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dood badan ka dhalatay qabashada Muxaadaradiisa.

Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Muxaadarada uu Muqdisho ku qaban lahaa Sheekh Umal dib loo dhigay isla markaana la qaban doono axada Soo socota sida ay Xaqiijisay wasiirada dhalinyarada Ciyaaraha Soomaaliya.

Sababta ayay ku sheegay in Sheekh Umal uu ka qayb galaya Salaadda Janaasada Almaas Elman oo maanta lagula tukanaya Salaadda Janaasada Masjidka Isbahaysaga ee Magaaladda Muqdisho.

 

Arinta Baajinta Muxaadarada Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu qaban lahaa Magaaladda Muqdisho ayaa imaanaysa iyada oo saacadihii la soo dhaafay ay baraha Bulshada qabsatay Dood ka dhalatay eedayn loo jeediyay wadaadkaan oo ku aadan Muxaadarooyin uu horay u jeediyay.

 

muxaadarada Sheekh Cabdi Umal ayaa waxaa uu ku soo qaadan lahaa arrimo la xiriira masiibooyinka iyo markii ay dhacaan sida loola tacaalo.

Hase yeeshee,muxaadarada ayaa waxaa ka soo horjeestey Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuubakar (Sheekh Soomow) – Afhayeenka Golaha Guud ee Culimada Soomaaliya, kaas oo Sheekh Umal ku eedeeyay inuu faafaafiyo xagjirnimada, arrintaas oo uu Sheekh Umal ku tilmaamay mid aan sax ahayn ah.

Sheekh Umul waxaa uu sidoo kale sheegay in muxaaradada ay ka warheyso dowladda isla markaasna uu bulshada u gudbinayo wanaaga.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com