Diyaarad sida gar gaar oo soo gaartay Magaaladda Muqdisho.

November 22, 2019 (Awdinle Online) – Diyaarad nooca xamuulka ah oo sidda deeq gar-gaar Bini’aaddannimo ah ayaa Maanta soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladan Muqdisho.

Deeqdan oo noocyo kala duwan isugu jirta ayaa ka timid Dalka Talyaaniga, taas oo loogu tala galay Dadka ay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka Deyrta saameeyeen, iyadoo gar-gaarkaasina lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya si loo gaarsiiyo Dadka dhibaateysan.

Masuuliyiinta gudiga Gurmadka Fatahaadaha Dowladda Soomaaliya ayaa kala wareegay Dowladda Talyaaniga deeqdaan loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaada wabiyadda Jubba iyo Shabeelle iyo sidoo kale daadadka ka dhashay roobabka dayrta oo sanadkaan guudahaan Soomaaliya si wayn uga hoortay.

 

Talyaaniga ayaa ka mid ah Waddamada Caalamka ee ka qeyb qaadanaya gurmadka loo fidinayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheed markii qaar ka mid ah shacabka Baladweyne ay sheegeen in lagacago Dowladda Talyaanigu ugu talagashay dib u dhiska Buundooyinka Baladweyne ay lagacaagaasi la laabatay ka dib markii ay isku fahmi waayeen Dowladda Soomaaliya.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com