Duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi oo dib u bilowdey

November 22, 2019 (Awdinle Online) – Warar aan ka heleyno Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegeya in Duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa mar kale maanta si rasmi ah dib ugu billowday, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Sida la wada ogsoon yahay Duulimaadyada oo markii hore ku hakan jiray magaalada Wajeer ayaan wixii hadda ka dambeeysa sidaas sameyn doonin, waxayna toos uga degi doonaan garoonka Jomo Kenyatta International, marka ay ka baxaan Muqdisho.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, u dirtay shirkadaha diyaaradaha ayaa u dhignaa sidan “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxay jeceshahay inay ku dhowaaqdo in laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka November, ay dhammaan duulimaadyada ka tagaya Muqdisho ay si toos ah ugu duuli karaan Jomo Kenyatta, ayaga oo aan marin Wajeer.”