Mamulka degmada Luuq oo sheegay inaysan hoostagin Jubbaland

November 22, 2019 (Awdinle Online) – Xiisadda u dhaxeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii Dowladda Soomaaliya ay bilowday inay Gobolka Gado kala wareegto maamulka Axmed Madoobe.

Maxamed Cabdullahi  Gardhuub guddoomiyaha degmada Luuq ayaa waxaa uu sheegay in uusan hoostagin maamulka Jubbaland .

Guddoomiye Gardhuub ayaa shaaca ka qaaday  inta laga helayo maamul Jubbaland oo loo dhanyahay, lana aqoonsanyahay ka hor ay hoostagayaan wasaaradda Arrimaha Gudaha soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Degmada Luuq ayaa ka mid ahaa guddoomiyeyaashii loo ka xeeyay dalka itoobiya,

Khilaafkii ugu xumaa ayaa haatan waxaa uu u dhexeeyaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, waxayna arrintaas kusoo aadeysaa xilli Shalay uu Axmed Madoobe sheegay inaysan indhaha ka laaban doonin waxa ka socdo Gedo wixii hadda ka dambeeyo.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com