Walaac Ka Jira Doorashoda Somalia  Sanadka 2021

November 22, 2019 (Awdinle Online) – Muran badan ayaa ka taagan nooca doorasho ee somaliya ka qabsoomayso  marka la gaaro sanadka 2021-ka.

Maalmo ka hor waxa heshiis ka kooban 5-qodob ku gaaray magaaladda Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaashii Hore.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan golaha shacabka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ugu baaqay dhinacyadda ku howlan ka hadalka doorashooyinka ka dhacaya dalka soomaliya in faragalin lagu sameynin hey’adaha awooda u leh nooca doorasho ee dalka ka dhaceso in ay Go’aamiyaan.

Waxa uu sheegay guddiga madaxa banaan ee xududaha  ee dorashoyinka qaran ee somalia in ay soo Diyaariyaan sharciga iyo qaabka doorashada ay u dhaceso  islamarkaana baarlamankuna ay meel mariyaan ama ay diidaan.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com