Dariiqada Suufiyadda oo isku Diyaarineysa Dagaalka Sheekh Umal

November 23, 2019 (Awdinle Online) – Warar hada nasoo gaarey ayaa sheegeya in Culimadda Dariiqada Suufida ayaa sheegay in Maalinta beri ah oo ku beegan November 24, 2019 ay fasaxayaan dhammaan Dusgi Quraanka kariimka lagu barto ee ay gacanta ku hayaan ku yaalla magaalada Muqdisho, si ay Ardaydooda dhigata Dugsi Quraanka ay uga qeyb qaataan bannaan baxayadda looga soo horjeedo Muxaadaradda Dowladda Federaalka ay soo qabanqaabisey ee uu jeedin doono Sheekh Maxamed Cabdi Umal ee beri ka loo asteeyey in ay ka dhacdi Garoonka kubadda Cagta Eng. Yariisow Ex Stadium Koonis ee magaaladda muqdisho.

Sida warar aan ku heleyno Sheekh Maxamed Cali Umal ayaa marti u ah Dowladda Federaalka, sida la sheegeyna ka codsatey in uu qabo muxaadaro cinwaankeedo yahay Taageeriga Madaxda Hogaanka heysa.

Culimadda Dariiqada Suufiyadda ayaa Sheekh Umal ku eedeeyey in uu u gefey Nabiga, marar badana si khalad ah u farisey diinta, dad badana ay u dhibteen fadwooyin uu u iftoodey kooxaha dadka u dila arimaha diinta.

Dhanka kale Sheekh Cabduwaadir Soomow ayaa diidey inuu gor gortan ka galo arintan wuxuuna ku adkeysanayaa in sheekh Umal uu ka baxo magaaladda muqdisho.

Sheekh Soomow ayaa yiri hadii muxaaradda la joojin waayo gacan ayaan ula tegeynaa cida gadaal ka riixeysa Umal iyo sheekooyinkiisa”.

Dowladda Federaalka ah oo adeegsaneyna Hay’addaha Amniga ayaa diyaargarow weyn ugu jirta sidii ay u suuragelin laheyd muxaaradda Sheekh Umal, waxaase laga yaabaa in ay dhibaato ka dhalato.