Dowladda Federaalka ayaa Gebi ahaan joojisey Muxaaradii Sheekh Umal (Doc’s)

November 23, 2019 (AO) – Dowladda Federaalka Soomaailya ayaa gabi ahaanba joojisay muxaadaro maalinta Bari ah lagu waday in Garoonka Eng Yariisoow Ex Koonis Stadium uu ku qabto Wadaadka Sheekh Maxamed Cabdi Umal reer Kenya.

Jimcihii ina dhaaftay ayeey aheyd muxaadaradan in ay ka dhacdo Muqdisho hase ahaatee waxaa ay dowladdu dib u dhigtay ilaa maalinta Axada ah oo beegan Berri, balse War mar kale ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba la joojiyay muxaadarada uu qaban lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Buuq fara badan iyo Dood weyn ayaa ka dhalatay muxaadaradan oo ay ka soo horjeesteen Culimada Dariiqada Suufiyada oo sheegay in aysan munaasad ku ahey Umal in uu la hadlo sida ay hadalka u dhigeen bulsho uu Gaaleysiiyay, iyaga oo dhinaca kalana ku eedeeyay Sheekh Umal in uu meel uga dhacay Nabiggeena Maxamed NNKH.

Si kartaba ha ahaatee eedeymahaa oo dhan waxaa iska difaacay oo ku sheegay waxba kama jiraan Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dalbaday in la keeno cadeymo la xiriira eedeymaha loo soo jeediyay.

Culimada Dariiqada Suufida ayaa ugu baaqay ugu danbeyntii dowladda Soomaaliya in ay joojiso Muxaadaradaas, iyagoo uga digay in haddii la qabto ay wixii ka dhasha ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto dowladda Federaalka.