Gaadiidleyda BL- Oo Banaanbax Ka Wada Magaalada Muqdisho

0
3

November 23, 2019 (Awdinle Online) – Banaanbaxan ayaa wada  qaar kamid ah Gaadiidleyda BL-ka ee ka shaqeysa Waddooyinka ku yaalla Caasimada.

Gaadiidleyda BL-ka ayaa banaanbaxa ay dhigayaan waxaa ay uga Cabanayaan lacago dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay, taasi oo markii la xiray Waddooyinka laga joojiyay.

Banaanbaxan ayaa sigaar ah uga socda Isgoysyada Afarta Darjiin, Fagax iyo Towfiiq, waxaana dad Goobjoogayaal ah ay sheegeen in gaadiidleyda ay yihiin kuwo aad u careysan.

Qaar kamid ah gaadiidleyda ayaa tilmaamay inay cabasho u gudbiyeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska, hayeeshee arrintaas aysan wax Jawaabin ah ka helin.

Gaadiidleyda BL-ka ayaa dhowr jeer Banaanbaxyo ka dhigay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay uga cabanayeen xirnaashaha Waddooyinka ku yaalla Caasimada iyo.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com