Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Wakiilkiisa Dalalka Geeska Africa, Badda Cas & Gacanka Cadmeed (Doc’s

November 23, 2019 (AO) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo ayaa magacaabey Wakiilka gaarka ah ee arimaha siyaasadda ee geeska africa iyo gacanka cadan.

Madaxweynaha ayaa xilkan aan soo sheegney u magacaabay Balal Maxamed Cusmaan oo ahaa la-taliyaha madaxweynaha ee arimaha gaarka ah.

Magacaabidan ayaa imaaneysa ka dib markii uu madaxweyne Farmaajo is afgarad iyo heshiis aan dulucdiisu laga warqabin la gaarey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta horaantiishan aan ku jirno ee November.

Warar hoose ayaa sheegey in labada madaxweyne ay gaareen heshiin qarsoodi ah oo laga yaabo in la shaaciyo bilowga sanadka 2021 wekiba bilaha May ilaa July, ka dib doorashadda soo socoda.

Halkan ka akhriso Warqada magacaabida