Dowladda Federaalka oo Sheekh Umal u Qabatey Xaflad Weyn

November 24, 2019 (AO) – Dowladda Soomaaliya ayaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xaflad Qarsoodi oo amaan ahaan si weyn loo adkeeyey ugu qabatey Hotel Royal Place ee Magaaladda Muqdisho.

Abaabulka xafladda ayaa waxaa si weyn  dhex muuqda Sheekh Bashiir Salaad iyo Sheekh Cali Wajiis oo ah Culimadda ay Dowladda sida toos ah u isticmaasho.

Sheekh Umal ayaa muxaadaro ay isla Dowladda soo qabanqaabisey loo diidey inuu qabto, waxaan arintaas gaashaanka u daruurey Culimadda Dariiqada Suufiyadda ah ee Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Dowladda Soomaaliya ayaa baajisey tiro ka laba jeer iyadoo baqdin ka qabtey khalalaase ka yimaada muxaadarada Umal ee muqdisho.

Taasi bedelkeeda ayaa maanta waxaa xaflad ay soo qaban qaabisey Madaxtooyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Diinta loogu qabtey Hotel Royal place ee degamadda Cabdicasiis ee Magaaladda Muqdisho.

Culimadda Suufiyadda ayaa sheekh Umal ku eedeeyey inuu si bareer ah ugu gefey Nabi Maxamed Nabadgeliyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee.