Hey’adaha Amniga oo lagu  Balamiyay kulan Weyn Golaha Shacabka:- (Sawiro)

November 24, 2019 (Awdinle Online) – Xarunta golaha shacabka Wararka naga soo gaaraya  ayaa sheegaya in saaka guddiga joogtada ee golaha ay la kulmeen hey’adaha amniga oo uu horkacayo wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii sida la sheegay mooshin laga keenay hey’adaha amniga iyaga oo lagu ballamiyey in arrinta lagu dhameeyo si hoose oo guddiga joogtada ah ku ekaato.

Wararka aan helayno ayaa ayaa intaasi ku darayaan in Wasiir Islow iyo raggii la socday lagu diiday in la dhageysto, loona ballamiyey in hor yimaadaan golaha weyn ee shacabka oo halkaas lagula xisaabtamo.

 

Abukar Islow iyo kooxda la socotay ayaa isku dayey mar badan iney guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ee golaha shacabka ku qanciyaan dalabkooda laakin waa laga diiday, oo lagu balamiyey kulan weynaha guud ee golaha.

Wasiir Abukar Islow waxaa la socday  Taliyaha hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com