November 24, 2019 (Awdinle Online) – Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigtay muuqaalka Nin dhalinyarro ah oo ay ku sheegeen in uu ahaa shaqsigii miinada ku xiray gaarigii maalintii shalay ku qarxay meel aan ka fogeyn Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Xudeyfi Daa’uud Yuusuf oo ah shaqsiga ay oo bandhigeen hay’adda Nabad-sugida ayaa qirtay in uu isaga ku xiray gaariga Miinada kana yimid markiisii hore ee degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, waxaana uu intaa ku daray in miinada uu gaariga ku xiray loo soo dhiibay.
Saraakiisha Ma aysan sheegin sida ay ugu suurtagashay in soo qabtaan Ninka oo ay ku eedeeyeen in uu ka tirsan yahay qeybta Qaraxyada u qaabilsan Al-shabaab.
Warar Sugan Kala Soco Awdinle.com