Qarax ka dhacay degmada Awdheegle

November 24, 2019 (Awdinle Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxaan ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, ee Ciidamadda Mareykanka ku wehliya Howlgaladda ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay baahisay warbaahinta Shabaab,qaraxaan waxaa lagu dilay 7-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Shabaab waxa ay sheegeen in Ciidamo gurmad ah oo yimid goobta uu qaraxa ka dhacay ay aruuriyeen Hilbaha ciidamadda Qaraxa lala eegtay.

Ma jiro wax wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose oo loogu hadlaayo qaraxaan.

Degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka baxday gacanta Xarakadda Al-shabaab,waxaana haatan ku sugan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com