Roobab ka da’ay dalka Kenya oo ku geeriyootay  36 ruux

November 24, 2019 (Awdinle Online) – Sodon iyo lix  qof, oo ay ku jiraan toddobo carruur ah, ayaa ku dhintay dhul’go ka dhshay roobab lixaad leh oo ka da’ay Waqooyiga galbeed dalka Kenya, sida laga soo xigtay saraakiil maxali ah.

Dhul go’a oo saameeyay tuulooyinka Nyarkulian iyo Parua, ayaa  waxaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay Roob mahiigaan ah oo halkaas  ka da’ay.

“Waxaan xaqiijineynaa dhimashada  ilaa  36 Ruux, halka dad kalana lagu la’yahay ayuu yiri Samuel Poghisio, oo ah xubin ka tirsan golaha deegaanka  oo la hadlay Wakaallada wararka Reuters.

Roobabka ayaa la sheegay in ay  jareen waddooyinka gala  tuulooyinkaas, ugu yaraanna hal buundo ayaa lagu soo warramayaa in ay  burburtay.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu “tacsi tiiraanyo leh” u dirayo ehalada iyo saaxiibbada dhibanayaasha.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com