Soomaaliya oo kaalmaha hore ka gashay wadama ugu amni xun Caalamka

November 20, 2019 (Awdinle Online) – Cilmi baaristaan oo heerar kala duwan leh laguna daabacay wargeyska Daily Mail ayaa waxaa sameeyay Travel Risk Map.

Soomaaliya ayaa kaalimaha hore ka gashay wadama ugu amniga xun sanadka 2019 guud ahaan Caalamka marka loo eego badqabka wadooyinka.

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa waxaa lagu soo bandhigay wadamadda ugu khatarta badan aduunka sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Qiimeynta ayaa waxaa si gaar ah loogu eegay dhanka wadooyinka, ammaanka iyo arrimaha halista ah ee dhinaca caafimaadka.

Soomaaliya, Afghanistan, Syria, Yemen, Iraq si lamid ah qaybo kamdi ah Nigeria ayaa lagu sifeeyay kuwa ugu halista badan dhanka ammaanka guud ahaan Caalamka.

 

Dowladdaha Guinea, Sierra Leone, Liberia, Yemen iyo Kuuriyadda Waqooyi ayaa waxaa lagu qeexay wadamada ugu khatarta badan dhinaca caafimaadka.

Sidoo kale, dhanka badqabka wadooyinka ayaa wadamada ugu halista badan waxaa lagu sheegay Belize, Dominican Republic iyo Saudi Arabia.

Ugu dambeyntii, cilmi baareyaasha ayaa waxay dalalka; Finland, Norway iyo Iceland ay yihiin kuwa ugu ammaanka wanaagsan guud ahaan caalamka.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com