Wakhtiga Doorashada Galmudug oo la soo Bandhigey(Doc’s)

November 25, 2019 (AO) – Guddiga Farsamo ee doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka xulista Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddugu waxaa ay u asteeyey in 25 – 28 Bishaan inay noqoto waqtiga la xaqiijinayo Odayaasha dhaqanka Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Guddiga Farsamo ayaa sheegay in 29 November illaa 09 December lasoo xuli doono Xildhibaanada maamulka Galmudug.

10-12 December ayey sheegeen in la howlgelin doono Baarlamaanka Galmudug, halka 13-16 December la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas.

Ugu dambeyntii Guddiga ayaa 17-23 December u iclaameeyey inay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Halkaan hoose ka akhriso Warqadda Guddiga