Xeer ilaaliyaha Qaran oo Xilka qaasid lagu sameeyey

November 25, 2019  (Awdinle Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud Mudane Axmed Cali Daahir wuxuuna u magacaabay xilkaas Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay ku timid soo jeedintii Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa faray xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka.

“Madaxweynaha ayaa kula dardaarmaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee la magacaabay in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay.” Ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiskiisa ka soo baxay.

Axmed Cali Daahir ayaa ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee hoggaanka u ahaa sharciyaqaanada Soomaaliya ee ku lugta leh kiiska ay Soomaaliya baddeeda uga difaacaneyso Kenya ee horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).