Dhageyso :-“Hey’adda Nabadsugida waxay noqotay in loo adeegsado caburin” Mahad Salaad

November 26, 2019 (Awdinle Online) – Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in muddooyinka ay caado noqotay in Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka loo adeegsado siyaasad iyo caburin, isagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay tallaabooyin lagu hor-istaagay mas’uuliyiin hore iyo siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay.

Mahad Salaad oo ka hadlayay kulankii shalay ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in dhowr jeer hore u dhacday dad siyaasiyiin ah oo garoonka lagu xanibay oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.

 

Waxaa uu dalbaday in arrintan si aanay berri u gaarin heer Guddoonka xataa garoonka lagu xanibo in loo yeero cida mas’uulka ka ah Hey’adda, gaar ahaan Taliyaha NISA, lalana xisaabtamo sid auu yiri

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com