Dowladda Federaalka oo amar Culus kusoo rogtey Dhuusamareeb

November 26, 2019 (Awdinle Online) – Wasaaradda amniga Dowladda Federaalka ayaa amar ku siisey laamaha amaanka magaalada Dhuusamareeb ee heer Federaal in la mamnuucay shirarka aysan ka warqabin Dowladda Dhaxe ee lagu qabanayo goobaha hoteelada iyo maqaayadaha ee magaalada Dhuusamareed.

Milkiilayaasha hoteelada Magaaladda Dhuusamareen waxaa looga digay in hoteeladooda aan lagu qaban karin shir ama munaasabad aan ogolaasho ka heysan gebi ahaanba Wasaradda Amniga ee Dowladda Federaalka.

Amarkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada Dhuusamareeb ay kulamo uga socdaan hoggaanka ee Ururka Ahlu-Sunna loogana arinsanaayo wixii ay ka yeeli lahaayeen talaabdii uu shalay qaaday Guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug oo soo saaray jadwalka Doorashada Maamulkaasi.

Dhanka kale waxaa jira siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Galmudug, kuwaas oo iyaguna Dhuusamareeb ka wada kulamo ay uga arinsanayaan hanaankii ay saamayn ugu yeela la haayeen maamulka loo dhisayo Galmudug.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu daadiyey inta badan goobaha muhiimka ah ee magaalada.