mashaariic lagu horumarinayo Warshadaha oo dhowan ka bilaaban doono somaliya

Eng Cabdullaahi Cali Xassan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley U qeybsanaha Hay’adda UNIDO (United Nations Industrial Development) ee dalka Soomaaliya Mr Ygor Scarcia.

Kulan ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Wasaaradda iyo Hay’adda UNIDO iyo sidii looga midho dhalin lahaa xidhiidhkan soo jireenka ah.

UNIDO oo ah hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Warshadaha ayaa Soomaaliya ka bilaabaysa mashaariic lagu horumarinayo Warshadaha dalka Soomaaliya, waxaanay barnaamijkan iska kaashanayaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.