Maxaa ka jira Kulanka Axmed Madoobe Iyo Fahad Yaasiin ee Nairobi

November 26, 2019 (AO) – wararka naga soo gaaraya magaaladda Nairobi ee dalka kenya ayaa sheegeya in Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Sirdoonka Dowladda Federaalka ah Fahad Yaasiin ay caawa ku kulasan yihiin.

Arintan ayaa imaaneysa ka dib markii uu fahad yaasiin ku guuleystey inuu isku keeno Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ay xiisad siyaasadeed u dhaxeysey.

Fahad Yaasiin ayaa u muuqda inuu qaatey kaalintii Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka arimaha gudaha Eng Sabriye ee dhinaca dib u heshiisiinta iyo fahanka siyaasiyiin, maamul gobaleedyada iyo Dowladda Federaalka.

Is aragan ayaa waxaa lagu sheegey mid uu dalkiisu ka yimid Fahad yaasiin oo wakiil buuxa ka Madaxweyne Farmaajo.

Faah faahin ah kala soco awdinle.com