Ururka Ahlu Sunna oo dacwad ka gudbineysa dowladda Soomaaliya

November 26, 2019 (AO) – Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku dhawaaqay in ay dacwad aad u balaaran ka gudbinayaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in ay xadgudub dhinac walba leh ay ka waddo degaanada Galmudug.

Kulan aan loo dhan yahay oo Ahlu Sunna ay xalay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ayey kaga arrinsadeen waxa ay ka yeelayaan dhismaha Maamul Goboleedka Galmudug ee ay Dowladda Federaalka ah keligeed iska wadato.

Hoggaanka Ahlu Sunna aya aisku raacay qodobada soo socda:-

1: In Ahlusunna ay markale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka,taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Shaakir ay muddo Todobaad gudahood ay kusoo xulaan kuna shaaciyaan Xubno Baarlamaan oo ka kooban 89 Xubnood.

3: In Ahlusunna wadatashi kadib ay soo saari doonto habraaca doorashada Galmudug iyo mowqifkooda howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug.

4: In tallaabo kasta oo ay qaadayaan Ahlusunna ay noqdaan kuwo taxadar leh,iyada oo hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, uu walaac ka muujiyey sida ay dowladda u wado dhismaha Maamulka Galmudug.

Guddiga Farsamo ee Doorashada Galmudug ee hoostaga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay soo saaray jadwalka doorashada Maamulkaas iyaga oo sheegay in xulista Baarlamaanka, Doorashada Guddoonka iyo Madaxweynaha ay dhaceyso Bisha December.