Wasiirka Shaqaalaha DF oo la kulmay dhigiisa Talyaaniga

November 26, 2019 (AO) – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ku sugan Magalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qaatay dhigiisa Dowladda Talyaaniga Nunzia Catalfo.

Labada Wasiir oo ka wada qeyb ahaa shirka weynaha looga hadlayo Daryeelka Bulshada ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo la xiriira Soomaaliya iyo sida dowladda Talyaaniga ay taageero u siin laheyd kor u qaadista tayadda shaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Sadiiq Warfaa, ayaa Xukuumadda Talyaaniga uga mahadceliyay taageerada Soomaaliya , gaar ahaan wada shaqeynta ay la leeyihiin wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.