Dowladda Federaalka oo lagu amrey in ay laheshiiso Dowlad Goboleedyada

November 27, 2019 (AO)- Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqdey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay heshiis la gaarto dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo kooxda Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Bogga Twitterka ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu daabacay in Saraakiisha Mareykanka ah ay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya kala hadleen xaaladaha kala duwan ee ay hadda ku jirto Soomaaliya.

Arrimaha ay kala hadleen waxaa ka mid ahaa sidii horamar looga sameyn lahaa nabadda, xasiloonida, Ishaashi u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka ee taageerta Soomaaliya.

Danjire Yamamoto, ayaa sheegay in intaas oo si isku mid ah oo wada shaqeynaysa ay horseedi kartaan Soomaaliya oo xoog badan oo soo laabata sida uu hadalka u dhigay.