Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo la kulmey Sheekh Shariif

November 27, 2019 (AO) – Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyadda Mucaaradka ah ee Soomaaliya sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmey Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele.

Wararka aan heleyno ayaa sheegey in Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ay wada hadleen xaaladda dalka uu jiro iyo arimaha dooraashooyinka ee xiliga kala guurka 2021.

Ismaaciil Cumar Geele ayaa waayahan dambe wada kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanaayo dhinacyadda kala duwan ee Soomaaliya.