Dowladda Federaalka ah oo joojisay Qorista shaqaale cusub

November, 28, 2019 (Awdinle Online)- Qoraalka Rasmi ah oo ka soo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu wargeliyey Hay’adaha kala duwan ee Dowladda in aysan qori karin Shaqaalaha ka yimaada wasaaradaha ee leh qoondo miisaaniyadeed iyo kuwo aanan laheyn intaba.

Warqadan qoraalka ah  ayaa lagu sheegay in lagu soo war-galin doono dhamaan hay’addaha kala duwan ee dowladda xilliga ay munaasibka noqoto, balse inta ka horeysa la  joojiyay qorista shaqaale cusub.

Go’aankan ayaa imanaya xili dhawaan Golaha  Wasiiradda Soomaaliya ay ansixiyeen  miisaaniyadda sanadka 2020 oo  gaareysa $459.5 Milyan.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka.