Ciidamadda Militeriga Itoobiya oo kusii Qulqulaya Dhuusamareeb

November 29, 2019 (AO) – Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka aheyn howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Shaley gelinkii dambe, xalay ilaa maanta kusii qulqulayey magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, halkaasoo dhowaan la doonayo in ay ka dhacdo Xulista Xildhibaanadda, Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Waxaa Shaki weyn laga muujinayaa qulqulka tirada badan iyo imaanshaha Ciidamada Itoobiya ee magaalada Dhuusamareeb, iyadoo laga cabsi qabo in dano siyaasadeed loo isticmaalo awooda Ciidanka Militeriga Itoobiya.

Dowladda Federaalka ah ayaa si toos ah loogu xamanayaa in ay dooneyso in si awood ah ay ku maamusho doorashooyinka galmudug iyadoo dadka reer galmudug ayaa gebi ahaanba soo foodsaartey cabsi la xiriirta nabadgeliyadooda.

Dhanka kale Ururka Ahlu-Sunna oo awood aan la inkiri karin ayaa muujinaya deganaansho iyo taxadar balaaran oo ay bar bar socdooan kulamo gaar gaar ah oo Ururku uu yeekanayo.