Dowladda Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacaawdey Toban Wadan oo Afrikaan ah

November 29, 2019 (AO) – Warar lagu kalsoon yahay oo iminkadan naga soo gaarey xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaal Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegey in afhayeenkii hore Ururka Ahlu-sunna Waljamaaca ee Dariiqada Suufiyadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Awliyo loo magacaabey Danjiraha Dowladda Federaalka ah u fadhin doona Dalka Senegal ee galbeedka Afrika ku yaala.

Maxamed Xuseen Awliyo ayaa mudo taageero u ahaa Dowladda Madaxweyne Farmaajo, wuxuu kaloo ahaa xildoon in mudo ah sugayey in mar uun loo magacaabo xil dowladeed.

Wararka aan heleyno ayaa sheegeya in Mr Awliyo sidoo kale magacaabidiisa loogu darey inuu wakiil kasii ahaado wadamada kala ah Sierra leone, Guinea, Mali,Togo, Ghana, Liberia, Ivory Coast, Benin iyo Burkinafaso.

Dadka ka hadlan arimaha siyaasadda ayaa sheegey in Dowladda Soomaaliya ay baqdin weyn ka qabtey in Mr Awliyo uu ku biiro Mucaaradka, maadaama uu yahay in caan ku ah dagaalka dhica baraha bulshada iyo warbaahinta ee (social media) taasi ay sababtay in la magacaabo.

Warar Sugan kala soco awdinle.com