Dowladda Sudan oo Baabi’isey Xisbigii Golaha Qaranka ee Cumar Al-Bashiir

November 29, 2019 (AO)- Hoggaanka ku-meel gaarka ah ee Suudaan ayaa meel mariyay sharci ogolaanaya la wareegida Hantida Madaxweynihii hore General Cumar Xasan Al-Bashiir iyo kala dirista xisbigii Golaha Qaranka(National Congres) ee uu hoggaamainaayey intii u dhexeysay sanadadii 1992 ilaa 2019 kii.

Ansixinta sharcigaan ayaa imaanaya ka dib kulan ay si wada jir ah u qabteen Golaha Guud ee haya taladda Suudaan iyo Golaha Wasiirada, kulan kasoo qaatey wakhri dheer.

Sidoo kale waxaa la baabi’iyey sharcigii ku saabsanaa xakameynta Dharka iyo Dhaqanka Dumarka reer Suudaan.

Meel marinta sharciga ayaa daba socda jawaab dowladda cusub ay ka bixineysay codsi ka yimid dadkii ka qeybgalay ama gacanta ka geystay mudaharaadyadii lagu afgambiyay dowladdii hore.

Madaxa Golaha Wasiiradda ee Dalka Suudaan  Cabdalla Hamdok, ayaa soo hadal qaaday in sharciga cusub uusan aheyn aargudasho, balse loogu talagalay in lagu ilaaliyo sharafta dadka jamhuuriyadda Suudaan.