Safiirka Soomaaliya Ankara u Fadhiya oo Been ka Sheegey Dowladda Sharciga Degnaanshaha Turkey

0
2

November 29, 2019 (AO) – Dowladda Turkiga ayaa gebi ahaanba joojisey in deganaansho la siiyo dadka ku yimaada fiisaha nooca dalxiiska (tourist assainment).

Sharcigan ayaa la sheegey cidii jebisa in ay la kulmi doono xabsi sedax bilood ah iyo ganaac gaaraya 900 TL lacagta turkiga ah.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa arintaasi ay dhib ku noqotey, waxaana bilowdey hadalheynta ku saabsan arimahaasi, maadaama ay Soomaali badan daneynayaa in dagaano ka sameeystaan Turki.

Safiiska Dowladda Federaalka ah u fadhiya Ankara Jaamac Cayidiid oo ah nin aan khibrad Diplamasiyadeed laheyn ayaa maanta hadal marin habaabin ah kusoo qorey baraha bushadda, taasoo uu ku sheegey in Soomaalida ay saameyn doonin arintaasi

Jaamac Cayidiid waxaa uu si bareer ah u doonayaa in uu khaldo shacabiga Soomaaliyeed isagoo ay dantiisu aheyd is tus tus iyo magac raadis.

Warar sugan kala soco awdinle.com