Suudaan oo si lama filaan ah u la wareegtey Hoggaaminta Urur Gobaleedka IGAD

November 29, 2019 (Awdinle Online) – Urur Gobaleedka IGAD ee Dalka Bariga Afrika ayaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Sudan Cabdalla Hamdok u doortay inuu noqdo gudoomiyaha cusub ee Ururka.

Arinta go’aanka lagu doorto Cabdalla Hamdok, oo ku dhisnaa heshiis ay gaareen dhinacyada ku bahoobey Ururka, ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa oo madaxda ururka ay ku shirsan yihiin, waxaana loo arkaa mid xal ah oo xilkan looga dhex bixiyey dalalka Kenya, Jabuuti, iyo Somalia oo aad isugu hayey.

Soomaaliya iyo Jabuuti, oo aad uga soo horjeeday in hoggaanka Ururka ay qabato Kenya, ayaa diiday inay mowqifkooda ay wax ka badalaan.

Ra’iisul Wasaarw Dr. Cabdalla Hamdok ayaa hoggaanka ururka kala wareegay Itoobiya oo haysay tan iyo sanaddii 2010.

Dr. Abiy Ahmed ayaa kursiga ku fadhiyey tan iyo markii uu awooda la wareegay bishii April ee 2018. Itoobiya ayaa waxaa xilka hoggaanka IGAD tan iyo 2010 u hayey Hailemariam Desalegn iyo Meles Zenawi.

Dowladaha ku bahoobey Ururka IGAD ayaa ka cabsi qabtay in haddii kursiga la siiyo Kenya, ayada oo ay diidan yihiin Soomaaliya iyo Jabuuti, ay xiisad hor leh kasii dhex abuuri karto ururka, waana taas sababta keentay in la siiyo Sudan.