Ciidamadii Itoobiya Ee La Geeyay Dhuusamareeb Oo Dood Badan Ka Dhalatay

November 30, 2019 (Awdinle Online) –Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa  oo kana mid ah Musharraxiinta xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa eedayn culus u jeediyay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharraxa ayaa soo taxay dhacdooyin dhawr ah, oo uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo u adeegsaday ciidamada Ethiopia, in ay u af-duubaan siyaasiiyiin, mas’uuliyiin iyo madaxba, balse qaarkood aysan ku guulaysan, isagoo tusaale u soo qaatay arrima ay kamid yihiin; doorashadii Koonfur Galbeed, af-duubkii Roobow, mas’uuliyiin laga qabtay gobolka Gedo iyo sidoo kale isku day in la qabto madaxweynaha Jubaland oo fashilantay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in hadda madaxweyne Farmaajo uu ciidamo Ethiopiana ku daabulayo magaalada Dhuusamareeb, si loogu cabsi geliyo musharrixiinta u tartamayaa doorashada Galmudug ee aysan dowladdu wadan, islamarkaana loogu af-duubto doorashada maamulkaasi Galmudug.

Musharax Odawaa ayaa sheegay in Ciidanka Cusub ee Dowladda Soomaaliya ay gaysay Dhuusamareeb ay yihiin ciidamo aan ka tirsanayn AMISOM,Isla markaana ay yihiin Calooshood u shaqaystayaal loo adeegsanayo Dhisamaha Galmudug ayuu Mustaqbal u sheegay.

Waxa uu ku taliyay in Galmudug dhismaheed ay wada tashadaan Musharixiinta Galmudug,Hoggaanka Ahlusunna,Madaxweyne iyo Dowladda Faderaalka Soomaaliya badalkii Ciidamo loo adeegsalahaa arimaha Doorashada Galmudug.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed

Xoghayaha Xisbiga Himo qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed,Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo laga soo doorto Dhuusamareeb ayaa sheegay in aysan Ciidamo aan ka tirsanay AMISOM oo ku sugan Dhuusamareeb.

Xildhibaan Cabdixakiim ayaa si toos u dafirey ama u inkirey in Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo Galeen Galmudug wuxuuna yiri:-

“Majiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn oo Dhuusamareeb yimid.

Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wadaago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciidama Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn!

Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo kuwa Ethopia oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn sadax bilood, hayeeshee ciidamadaasi waxay ka wada tirsanyihiin AMISOM. Waana ay dhacdaa in ciidamadu ay sameeyaan dhaqdhaqaaq xagga kalabadalka ciidanka ama logisticada ah

Waxaase nasiib darro ah in Madasha xisbiyada Qaran oo markii hore loo aasaasay in wax lagu saxo uu hadalkaan aan la hubsan ka soo baxo – Dhuusamareeb innaga ayaa ku sugan oo xog-ogaal u ah waxa ka jira.

Mucaaradnimadu waa inaaney ka hor imaan danaha dadka aan matalno, waana in aan lahaanno aragti ka durugsan danaha gaarka ah ee siyaasiyiinta”

Xildhibaan ayaad moodaa in uu halmar iswareejiyey 360 digrii xawaarihii uu horey ugu socdey siyaasad ahaan.

 

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Galmudug Axmed Mire Faafaale ayaa sheegay in aysan Cusubayn Ciidanka Itoobiya ay tagaan Dhuusamareeb,oo ay horayba uga soo shaqeeyeen deegaanada Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Liiska Odayaasha

Guddiga doorashooyinka Galmudug ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay liiska odayaasha soo xulaya Xildhibaanadda baarlamaanka cusub ee maamulkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sarbiye ayaa Guddiga ku wareejiyay odayaasha dhaqanka soo Xulaya xildhibaanaya codaynaya doorashada lagu wado in ay qabsoonto bisha soo aadan ee December sanadkan 2019-ka.

Wadarta guud ee odayaasha ah ayaa ah 44-xubnood, waxaana lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay gudaha galaan soo xulista mudaneyaasha cusub ee Golaha Wakiiladda dowlad goboleedkan Soomaaliyed.

Talaabadan lagu shaaciyey odayaasha ayaa imaaneysa xili Ahlu Sunna ay diidan tahay qaabka iyo qorshaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ku wajaheyso doorashadda Galmudug oo isha lagu hayo.

Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir

Xisbiga Wadajir ayaa si xooggan u cambaareeyay faragelin ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ku hayaan Gobollada Galgaduud iyo Gedo, oo ka tirsan dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

War saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Wadajir ayaa lagu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee gaaray Dhuusamareeb ee aan ka tirsaneyn AMISOM looga gol leeyahay in Maamulka Farmaajo uu doonayo in uu ku afduubo doorashada Galmudug, si la mid ah tii ka dhacday sanadkii hore Koofur Galbeed.

 

“Waxaa cad in Taliyaha Nabadusgida oo kaashanaya dowladda Qatar uu ka faa’ideysanayo xiriirkiisa Saraakiisha ciidanka Itoobiya xilliga kala guurka ee ay Itoobiya ku sugan tahay”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Xisbiga Wadajir.

Madasha Xisbiyadda Qaran

War saxaafadeed  ay soo saare Madasha Xisbiyada Qaran ayaa looga hadlay  xadgudubyo ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ka wadaan Gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled-xaawo, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ka jirtay dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo mid milateri oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

War saxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Ciidamada Itoobiya ay Gobolka Gedo ka geysanayaan afduub, cagajugleyn iyo xarig Madaxdii maamulada degmooyinka Beled-xaawo, Luuq iyo Doolow.

Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulankii Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran Arbacadii la soo dhaafay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen arrimaha Jubbaland iyo Gedo, isla markaana Madaxweynaha uu ka gaabiyay mas’uuliyaddii loo igmaday, taasoo bilow u ah inuu ka baxayo qodobadii madasha ay ka wada hadleen qaar ka mid ah.

Dowladda Itoobiya ayay ugu baaqen in ay faraha kala baxdo arrimaha Siyaasadda gudaha Soomaaliya iyo is jiid jiidka ka dhaxeeya Soomaalida, isla markaana Ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Gedo .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com