Dab ka kacay Degmada Afgooye

November 30, 2019 (Awdinle Online) –Hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu dhintay kaddib markii Guri ku yaalla xaafadda Impagati ee Degmada Afgooye.

Qofka geeriyooday ayaa lagu sheegay Cunug yar oo xilliga oo dabka kacayay ku sugnaa Guriga dhexdiisa sidaasna ku geeriyooday.

Goobjoogayaal ku sugan Xafaadda uu dabka ka kacay ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in dabka uu ka dhashay koronto ka kacday Guriga.

Dadka Xaafadda Impagati ee Degmada Afgooye ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabka iyada oo khasaaraha ilaa hadda la hayo uu yahay dhimashada cunugga yar.

Shalay Xaafadda Damalleey ee Degmada Afgooye dab ka kacay waxaa ku dhintay saddex Carruur ah oo Gurigooda ku sugnaa.

Dabkaas ayaa ka dhashay Burjiko Guriga taallay oo uu dab ka shidnaa sida goobjoogayaasha u xaqiijiyeen Idaacadda Mustaqbal.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com