Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Afrika

November 30, 2019 (Awdinle Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Maxamed Cali Xumad ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Midoobay ee Afrika.

Xilka Giddoomiyaha Baarlamaanka Afrika waxaa uu kala wareegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Burkina Faso Alassane Bala Sakandé.

Mr Xamud ayaa sheegay in dalalka Afrika ay u baahanyihiin in ay dhaqaale ahaan is dhexgal sameeyaan islamarkaana isku tiirsanaadaan.

Waxaa uu ku baaqay in isdhexgalka dhaqaale ee Afrika uu noqdo mid badaxbanaan looguna daneynayo dadka Qaaradda Afrika oo ay colaado iyo cudurro kaleba la dageen.

Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay bisha june ee sanadka 2020 Dowladda Kenya kula tartameysaa kuriga Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey kaas oo labada dal ay tartan ugu jiraan.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com