Taliyaha  qeybta 60 aad Oo Dib Uga Soo Laabtay Magalada Baydhabo:- (Sawiro)

November 30, 2019 (Awdinle Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaalieed ee qeybta 60 aad Jenaral Mohamed Sheekh Abdullahi oo howlo shaqo ugu maqanaa Mudo isbuubac Degmada Xudur ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobolka bay.
Waxaana taliyaha garoonka ku soo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan qeybta 60 aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed .

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa Degmada Xuddur mudo isbuuca ujoogey ukuur galida Xaladaha ay kushaqeyaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Iyo sidii gobolka Bakool ay godomiyeen kooxda Nabadiidka Al shabab loogu sifeyn lahaa Tuuloyinka ay ku dhuumaleysaneyaan .

Soo dhaweeyn ka dib taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janeraal Mohamed Sheekh Abdullahi oo warbaahinta KGS la hadley aya sheegey in dhawaan Guud ahaan deeganada KGS ka bilaaban doono Howlgalo ka dhan ah Al-Shabab.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com