Waa Maxay Sababta  Sacuudiga U Diidan Yahay Safiirka Soomaaliya Ee Loo Magacaabay Dalkaas ?

November 30, 2019 (Awdinle Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa weli ka soo jawaabin Safiirkii dowladda Soomaaliya u magacawday dalkaas muddo shan bil ka hor.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa  sheegaya  in tallaabada Sacuudiga ku aqbalin Safiirka Soomaaliya u magacwday dalkaas ay ka dhigan tahay mid diidmo ah, marka loo eego luqadda Diblomaasiyadda.

Diblomaasiyiin kala duwan oo ka soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dalbaday in aan magacooda la sheegin ayaa sheegay in ka soo jawaabid la’aanta Aqoonsiga Safiirnimo ay u egtahay mid diidmo haddii ay dhaafto mudadii loogu tala galay in looga soo jawaabo oo ku siman 90 cisho gudahood

bishii May ee sanadkan ayaa Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo  wareegto ku magacaabay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

C/xakiin Xasan Ashkir oo ahaa Wasiiru dowlihii wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa muddo sanad ah aheyd Safiir la’aan, iyadoo safiirkii hore Daahir Maxamuud Geelle loo magacaabay Xil Wasiir, balse bil ka hor iska casilay Xilka Wasiirnimo.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa  ku guuldareysatay isku dayo ay dooneysay in lagu aqbalo Safiirka cusub, waxaana arrintaas darteed Sacuudiga safaro ugu tagay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo todobaadkii hore Sacuudiga tagay.

Xiriirka Sacuudiga iyo dowladda Soomaaliya ayaa hoos u dhac ku yimid, wixii ka dambeeyay markii uu qarxay khilaafka dalalka Khaliijka.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com