Wasiirka Maaliyadda Somaliya oo hortagaya Aqalka Sare

November 30, 2019 (Awdinle Online) – Xildhibaannada Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la filayaa in Kulankoodii Caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Ajendayaasha Kulanka Aqalka Sare ee Maanta ayaa waxaa ay kale yihiin Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Maamulka Maaliyadda Guud , oo la filaayo in uu sanetara hortago Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle si su’aalo looga waydiiyo qodobada sharcigaan oo horay sanetarada loogu qaybiyay.

 

Sidoo kale waxa ay ansixinayaan oo ay Akhrinta 3aad marsiinayaan Hindise-sharciyeedka Shirkadaha oo ay horay sanetarada usoo marsiiyeen aqrinta 1aad iyo 2aad.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com