Xisbiga Wadajir oo  ka hadlay  Ciidamada Itoobiya ee la geeyay dhusamareeb

November 30, 2019 (Awdinle Online) –Xisbiga Wadajir ayaa si xooggan u cambaareeyay faragelin ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ku hayaan Gobollada Galgaduud iyo Gedo, oo ka tirsan dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

War saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Wadajir ayaa lagu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee gaaray Dhuusamareeb ee aan ka tirsaneyn AMISOM looga gol leeyahay in Maamulka Farmaajo uu doonayo in uu ku afduubo doorashada Galmudug, si la mid ah tii ka dhacday sanadkii hore Koofur Galbeed.

 

“Waxaa cad in Taliyaha Nabadusgida oo kaashanaya dowladda Qatar uu ka faa’ideysanayo xiriirkiisa Saraakiisha ciidanka Itoobiya xilliga kala guurka ee ay Itoobiya ku sugan tahay”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Xisbiga Wadajir.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com