Xoghayihii Xisbiga Himilo Qaran oo War Layaableh kasoo yeerey

November 30, 2019 (AO) – Xoghayihii Xisbiga Sheekh Shariif Xildhibaa Cabdixakiim Maalin ayaa si lama filaan ah uga hadley Ciidan Itoobiya ee kusii qulqulaya Deegaanadda Galmudug Gaar ahaa Gobalka Galguduud.

Xildhibaan Cabdixakiim ayaa si toos u dafirey ama u inkirey in Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo Galeen Galmudug wuxuuna yiri:-

“Majiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn oo Dhuusamareeb yimid.

Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wadaago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciidama Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn!

Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo kuwa Ethopia oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn sadax bilood, hayeeshee ciidamadaasi waxay ka wada tirsanyihiin AMISOM. Waana ay dhacdaa in ciidamadu ay sameeyaan dhaqdhaqaaq xagga kalabadalka ciidanka ama logisticada ah

Waxaase nasiib darro ah in Madasha xisbiyada Qaran oo markii hore loo aasaasay in wax lagu saxo uu hadalkaan aan la hubsan ka soo baxo – Dhuusamareeb innaga ayaa ku sugan oo xog-ogaal u ah waxa ka jira.

Mucaaradnimadu waa inaaney ka hor imaan danaha dadka aan matalno, waana in aan lahaanno aragti ka durugsan danaha gaarka ah ee siyaasiyiinta”

Xildhibaan ayaad moodaa in uu halmar iswareejiyey 360 digrii xawaarihii uu horey ugu socdey siyaasad ahaan.