Abiy Ahmed Oo Laga Eedeyay  Faragelin Siyaasaded Oo Ku Hayo Dalalka Deriska La Ah Itoobiya.

December 1, 2019 (Awdinle Online) – Guuleystay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed  Bilo kaddib markii uu Abaal marinta Nabadda ku waxaa uu wajahayaa eedeymo la xiriira inuu faragelin ku haayo arrimaha gudaha dalalka deriska la ah Itoobiya.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa dalka Kenya, Bishii November labo warbixin oo Qaramada Midoobey ka soo baxday waxay ku eedeysay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya intii uu ahaa Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD inuu ku guuldareystay in horumar laga sameeyo hannaanka nabadda ee Suudaanta Koofureed.

Sidoo kale waxaa Wargeysku sheegay inuu sii hurinayo xasillooni darada ka jirta Soomaaliya.

Danjiraha Itoobiya u fadhiya dalka Kenya Meles Alem ayaa u sheegay wargeyska Nation in eedeymahaas ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin.

“Mid ka mid ah tiirarka arrimaha dibedda ee Itoobiya waa in aanan fara-gelin arrimaha gudaha ee dalal kale. Taasina waa diiwaankeena, ka deris wanaag ahaan waxaan ciyaarnay kaalin wax ku ool ah”ayuu yiri Safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya.

Todobaadkii hore Madasha Xisbiyada oo ay ku mideysan yihiin Xisbiyo ay hoggaamiyaan Madaxweynayaal hore iyo Siyaasiyiin waxaa ay dowladda Itoobiya ku eedeeyeen faragelin inay ku heyso Soomaaliya, gaar ahaan inay dowladda Federaalka ka caawisay arrimaha ka jira Gobollada dalka

Madasha Xisbiyada Qaran (FNP) ayaa u qoray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya warqad furan oo ay kaga dalbanayaan inuu joojiyo dib u cusbooneysiinta Itoobiya ee ku lug lahaanshaha arrimaha siyaasada gudaha ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay ku eedeeyeen in Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn AMISOM inay soo galeen gudaha Soomaaliya, iyagoo fulinaya arrimo sharci darro ah oo wiiqi kara dhismaha dowladnimada iyo hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

October 11, 2019 ayay ahayd ka dib markii Abiy Ahmed  abaal-marintan lagu siiyey dadaalladii uu u galay inuu xaliyo dagaalkii qaraaraa ee dhinaca xuduudda ee dalkiisa kala dhaxeeyey dalka deriska la ah ee Eritrea.

Xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa yiri “aad ayaan ugu farxasannahay dal ahaan inaan ku guuleysanno abaal-marinta Nobel Peace Prize.”

Tan iyo markii uu noqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya bishii April ee 2018, Abiy oo 43 jir ah, waxa uu si aan joogsi lahayn u qaatay siyaasado beddeli kara mustaqbalka bulshad dalkiisa.

Isaga oo lix bil un xukunka haya, ayuu la heshiiyey Eritrea, xabsiga kasii daayey mucaaradka, raali gelin ka bixiyey xadgudubyadii dowladda, islamarkaana dalka kusoo dhoweeyey kooxihii dibad-joogga ahaa ee madaxdii ka horreysay ay ku calaameeyeen “argagixisada.”

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com