Dhageyso :-Wasiirka Horumarinta Biyaha  Somaliland  oo  YIMID degmada Taleex

December 1, 2019 (Awdinle Online) – Saleebaan Yuusuf Cali Koore  Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland  ayaa shalay yimid degmada Taleex ee gobolka Sool.

Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland oo saacado ku sugnaa degmada Taleex ayaa la hadlay qaar kamid ah dadka deegaanka, kadibna wuxuu dib ugu laabtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Wasiir Koore oo ka soo jeeda gobolka Sool waxaa safar Taleex ku wehelinayey Hanad Xaashi kana tirsan Golaha deegaanka Hargeysa, kana mid ah dhalinyarada ay Madaxweyne Muuse isku deegaanka yihiin ee sheegta in ay madaxtooyada ku dhow yihiin.

Muddo labaatan sano in ka badan Puntland iyo Somaliland ayaa  ku muransana gacan ku heynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxaana marar kala duwan ku dhexmaray dagaalo kharaar oo dhaliyey dhimasho, dhaawac .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com