Nin Gabar Guursaday Oo Lagu Weeraray Faas Iyo Mindiyo

December 1, 2019 (Awdinle Online) – Dhacdadan ayaa  ka dhacday Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Isgoyska Fagax degmada Yaaqshiid kadib Qoys la sheegay in gabadhooda uu nin ka guursaday.

Mar kaliya ayaa laga war helay dad haween iyo dhalinyaro ubadnaa oo mindiyo iyo faasas wata oo garaash meesha ku yaallay galay.

Waxay dhaawac gaarsiiyeen ninka gabadha ka guursaday,kaas oo dhawiciisa loola cararay Cusbitaalada Muqdisho .

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya arintaan iyo waxay salka ku heyso,wararka qaar ayaa  sheegaya in ninka uu ka soo jeeda dadka laga tirada badan yahay .

 

Waalidkeeda ayaan la rabin gabadha ninkaasi ay guursatay dhowr mar oo lagu amray inay ka hartana ay diiday sidaana loo hujuumay garaash ka shaqeeyahaasi.

Heyb sooca ayaa muddo waxa uu ka dhex jiray Soomaalida oo la yasaa Beelaha qaar laguna yiraahdaa isma geeno oo loola jeedo isma guursan karno.

Ciidamada Booliska Degmada Yaaqshiid ayaa ku baxay meesha oo kala ceeriyey Qoyska weerarka soo qaaday,dhacdadaan ayaa la mid ah tii sanadkii hore lagu gubay Axmed dowlo oo wiil uu adeer u ahaa Gabar la fakaday sidaana isagii naftiisa ku gooyeen Qoyska gabadha.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com