Xasan Sheekh Maxamud  “Waxan Ka Digayaa Inay Dhacaan Rabshado La Mid Ah Kuwii Ka Dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya ”

December 1, 2019 (Awdinle Online) – Xasan Sheekh MaxamuudMadaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay dhibaato hor leh oo ka dhalata ciidamada kala duwan oo ay dowladda Soomaaliya ku daabuleyso gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore  wuxuu tilmaamay haddii aan si fiican loo mareyn arrinta Galmudug ay dhici karto qatar xoog leh oo ka daran tii Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Walaahi Galmudug, haddii aan si fiican loo maareyn qatar xoog leh oo tii Koonfur Gaalbeed ka daran ayaa ka soo socota oo ah in la’is dilo.” ayuu yiri, Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh  ayaaDhinaca kale wuxuu ka hadlay khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kaas oo saameeyey xiriirka labada dhinac.

 

Sidoo kale wuxuu ka digay inay dhacaan rabshado la mid ah kuwii ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilligii doorashada ee maamulkaasi.

Dowladda hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)wuxuu ku eedeeyey in aysan sidii la rabay u maamulin nidaamka federaalka ee uu dalku qaatay, islamarkaana ay dib u dhigtay.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa xusay in kaliya ay doonayaan in la saxo khaladaadka jira, iyadoo aan lagu xadgubin Dastuurtka KMG ah ee dalka.

Haatan waxaa meel xun uu marayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com