Xisbiga Himilo oo Qorsheynaya in Magacaabaan Xoghaye Cusub

December 01, 2019 (AO)- Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Dowladii Ku meel gaarka aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu soo waramayaa in ay qorsheynayaa in ay Xilka ka qaadaan Xildhibaan Cabdixakiim Maalin oo ah Xoghayaha Xisbiga Himilo Qaran.

Weli lama sheegin sababta Xildhibaan Cabdixakiim xilka looga qaadayo, hase ahaatee waxaa jire tuhuno ayaamahanba uu xisbigu qabey oo aheyd in Xildhibaanka uu u jiheestey dhinaca Dolwadda Federaalka ah, kana weecdey wadadii mucaaradnimadda aheyd.

Lama oga in Xildhibaanka uu sidoo kale weyn doono xubinimadiisa xisbiga, xitaa waxaaba laga yaabaa baa la yiri inuu isna ka hordhici inta uusan soo bixin go’aanka xisbiga.

Warar lagu kalsoonaan karo oo naga soo gaarey xubno ka tirsan xisbiga himilo ayaa sheegey in xilka xoghayaha loo dhiibo doono Cabdirisaaq shoole oo hore u ahaan jirey agaasime ku-xigeenka Madaxtooyadda Villa Somalia ee Dowladdan hada jirta.