Dhageyso :-Faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya Goormay Bilaabatay

December 2, 2019 (Awdinle Online) –Itoobiya ku heysay Soomaaliya Milateri ahaan iyo siyaasad ahaan waa is bedeleysay, marba marxalad ayayna ku soo aadeysay laga soo bilaabo sanadkii 1996-kii, xilligaasoo si rasmi ah Ciidamo Itoobiyaan ah gudaha u soo galeen Soomaaliya, kaddib burburkii dowladdii Dhexe.

Ka dib burburkii dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, Itoobiya waxay u aheyd fursad weyn in Soomaaliya oo dowlad xooggan aheyd inay burburto, si ay meesha uga baxdo awooddii Soomaaliya ku laheyd Geeska Afrika, wixii ka dambeeyay 1991-kii waxaa bilowday dagaalo sokeeye iyo hoggaamiye kooxeedyo qabsaday gobollo iyo magaalooyin.

 

Markii u horeysay ee Itoobiya faragelin ciidan ku sameysay kaddib burburkii waxay aheyd sanadkii 1996-kii, xilligaasoo Gedo ay soo galeen Ciidamo Itoobiyaan, waxaa Gedo ka jiray kacdoono uu hormuud uu ahaa Ururkii Al Itixaad Al-islaamiyah oo xilligaas dhaq dhaqaaqyo ka waday Luuq iyo qeybo ka mid ah Gedo, Jen. Cumar Xaaji Masalle ayaa noqday ninkii u horeeyay oo Ciidamo Itoobiyaan soo geliya Soomaaliya,  kaddib burburkii dowladdii Dhexe.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com