Taliyayaasha Ciidan ee Dalalka Bariga Afrika oo ku Shirsan Uganda

December 2, 2019 (AO) – Taliyayaasha Ciidamada Wadamada Bariga Afrika ayaa waxaa uu maanta shir uga furmayaa Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda.

10 wadan oo ku yaala Bariga Afrika ayaa waxaa ay Taliyayaashooda Ciidamada difaaca, iyo Wasiirrada Gaashaandhigga badabaaba ka shiraan danahooda dhanka difaaca iyo nabadgeliyadooda xuduudaha bad, dhul iyo cir.

Arimaha ugu weyn ee shirkan oo todobaad soconaya ayaa waxaa ka mid ah in Xilka Taliyaha Ciidanka Heeganka ee Afrika laga wareejiyo Burundi lana wareegto Comoros.

Waxaa kale oo ka mid ah in dalka Koofurta Suudaan oo tan iyo sanadkii 2013kii kor joogto ka ahaa ay noqoto xubin rasmi ah oo ku biirta Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Ciidamadan Heeganka ah ayaa waxaa loogu talagalay in loo daabulo dalalka ay rabshadaha ka dilaacaan ee ku yaala bari Afrika si looga maarmo faragelin shisheeye.

Midowga Afrika ayaa Urur Goboleedyada Qaaradda Afrika ugu baaqay in Urur kasta uu sameysto Ciidamo Heegan ah oo dalkii ay rabshado ka dhacaan deg deg u gaari kara.

Ilaa hadda waxaa shaqeeya Ciidanka Ururka ECOWAS ee Galbeedka Afrika oo ah Urur dhaqaale kuna mideysanyihiin Waddamada Galbeedka Afrika.

Waddamada Xubnaha ka ah Ururka Barifa Afrika EASF, waxaa ay kala yihiin; Uganda, Burundi, Comoros, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Somalia iyo Sudan halka Koofurta Suudaanna tahay xubin kor joogto ah hayeeshee shirkan ku noqoneysa xubin rasmi ah.