Xisbiga Himilo oo Eryey Xildhibaan C/xakiin Maalin

December 2, 2019 (AO) – Warar lagu kalsoon yahay oo iminkadan nasoo gaarey ayaa sheegey in shirka gaar ahaa oo galabta ay isugu imaadeen xisbiga himilo ay xilka uga qaadeen Xildhibaan Cabduxakiin Macalin Xasan oo ahaa xoghayihii xisbiga himilo.

Xildhibaan Cabdixakiin ayaa lagu eedeeyey inuu jebiyey shuruucda xisbiga u taaley, isagoo u weecadeu dhinaca dowladda taasoo loo aaneynaayo inuu noqdey shaqi daneynaya xil ama jago doon ah.

Xisbiga himilo waxaa hogaamiya sheekh shariif sheekh Axmed madaxweynihii hore ee dowladii ku meel gaarka aheyd.